DE Letterhead - Des Moines Public Schools
Transkript
DE Letterhead - Des Moines Public Schools
TERRY BRANSTAD, GOVERNOR KIM REYNOLDS, LT. GOVERNOR DEPARTMENT OF EDUCATION BRAD A. BUCK, DIRECTOR December 9, 2014 Waalidiinta qaaliga ah, Akhrinta waa sheey lagama maarmaan u ah guusha iyo nolosha canugaaga. Gobolka Iowa, waxaan isku dayeeynaa in aay dhamaan caruurta si fiican u akhrin karaan dhammadka fasalka seddexaad, taas oo ah udub dhexaadka ardayda taas oo aay ka baxaan barshada sida loo akhriyo ayagoo ubaxaayo akhrinta si wax loo barto. Cilmi baaris la sameeyay waxaay tusineeysaa xirfada akhrinta ee caruurta fasalka seddexaad waxaay saadaalin kartaa guushooda mustaqbalka, iyo kuwa fasiixa ku ah akhrinta waxaay aad ugu dhowyihiin in aay dhameeystaan dugsiga sare oona helaan nolol wanaagsan. Balse, u dhawaad hal arday afartii ardayba ee ardayda fasalka seddexaad ee Iowa ma haleelin sanadki aaynu soo dhaafnay heerka akhrinta laga rabbay, marka loo eego natiijada imtixaanka. Waa in aan caawinaa ardaydeena si aay akhrintooda sarre ugu qaadaan. Sidaa daraadeed aqoonsiga ardayda hooseeya laga bilaabo fasalka Kindergardenka lana siiyo caawin tayo leh waxaay saldhig u tahay sharciga gobolka Iowa ee 2012 si kor looga qaado waxbarashada. Qaabka cusub Iowa ee waxbarasho(Early warning system) wuxuu caawinayaa dhamaan duksiyada gobolka ee ardayda waxbarashadooda liidata, si aay uila socdaan horumarkooda, iyo in aay siiyaan caawin xaga akhrinta ah laga soo bilaabo Preschool ilaa iyo fasalka seddexaad. In la hubsado waalidiinta ama mas’uuliinta in la ogeeysiiyo markii aay caruurtooda u baahanyihiin caawin iyo in la siiyo macaawino aay ku isticmaali karaan guriga taasna waxaay ka mid tahay sharciga 2012 ee Iowa. Waxaan rabaa in aan hubsado in aad ka war heeysid websiteka gobolka taas oo aad ka heli kartid macaawinadaas: https://iowacore.gov/parents-community Websitekaan waxaa ku jira khad kugu hagayo waxyaabo wanaagsan taas oo aay bixiyeen machadka barista akhrinta ee Iowa kaas oo kugu caawinaayo in aad fahantid aadna ka la shaqeeysid canugaaga xirfado waxbarasho ee khaas ah. Waxaad si fudud ugu heli kartaa xarunta baajka macaawinada qooyska, hawlo la jaan qaadayo fasalka canugaaga ama heerka akhrintiisa: http://www.iowareadingresearch.org/literacy-resources/teacher-family-resources/ waxaa nagu qaali ah in aan isla wada shaqeeyno-khaasatan kindagaartanka, fasalka koowaad, iyo labaad- si aan u xaqiijino in uu kobco xirfada ardayda ee aay doonayeen in aay ku guuleeysataan akhrintooda. Laga bilaabo bisha Maay 2017, caruurta oo loo Grimes State Office Building - 400 E 14th St - Des Moines IA 50319-0146 PHONE (515) 281-5294 FAX (515) 242-5988 www.educateiowa.gov Championing Excellence for all Iowa Students through Leadership and Service aqoonsaday in aay ku hooseeyaan akhrinta dhamaadka fasalka seddexaad waa in aay tagaan borogaraamka akrinta ee wakhtiga kulellka(Summer reading program), mise waxaa lagu celinayaa fasalka seddexaad haddii aayna ka mid noqon kuwa laga saaray. Ka hortagid, maaha dib udhig, waxa qof walbo uu rabbo. Siinta ardayda Iowa waxbarasho tay leh waa sheey muhiim u ah dhaqaalaha waxbarashada lagu xiray, balse taas macquul ma noqon karto in aay akhrin karaan mooyee. Waxaan rajeeynayaa in aan in kala shaqeeyo dadaalkaan taariikhiga ah ee aan ku dooneeyno in aan kaga caawino caruurta Iowa in aay akhriyaan dhamaadka fasalka seddexaad. Waad ku mahadsantahay cawintaada si aan u gaarno hadafkeena. Mahadsanid, Brad Buck, Ph.D. Director, Iowa Department of Education (Maamulaha qeeybta waxabarashada ee Iowa)
Podobné dokumenty
Mbr # Last Name Pilot Co-Pilot Lot No Pilot Co
88 Heim
92 Hinterlong
95 Hofer
28 Holtan
77 Jones
85 Laymon
80 Lesh
89 Masching
86 McDonald/Downey
93 Monnett/Babbit
11 Muggli
84 Nekvinda,
46 O'Brien
60 Penningroth
2 Pfister
50 Reetz
12 Salzman
8...
Mahr
Voděodolné digitální posuvné měřítko MarCal 16 EWR s krytím dle IP67 a uzamykatelnou
re f e re n c í . P ro p re c i z n í a s p o l e h l i v é v ý s l e d k y v n e j t ě ž š í c h d í l e n s k ...
metody_sociální_práce_s imigranty_2008 - Migrace
a zdravotnictví, pracovníkům neziskových organizací poskytujících
sociální služby, sociálním pracovníkům, event. dalším pracovníkům
v sociální sféře.
Pro studenty Zdravotně sociální fakulty Jihočes...